Szomáli bölcsességek |
KÖZMONDÁSOK ÉS MÁS - NÉPI/MŰVI - BÖLCSESSÉGEK |
2013. december 07. szombat, 08:43 |
Abdurahman H. H. Aden Laba tallaabo dhexdood baa talo ka dhalataa. Maal yar iimaankaa lagu kabaa. Dib u gurashona, dib bey kuu dhigtaa. Nin faruurey ah siraad ma bakhtiyo. / Faruurey ma fooriyo. Farihii dufanleh ayaa wax duuga. Qosol badani, qoonsimaad buu leeyahay. Nin is amaanay, waa ri is nuugtay. Nin farsamo-xumi, gacmihiisuu canaantaa. Nin kastoo meesha bukta isagaa og. Xasidow xoogga beel. Timir laf baa ku jirta. Ood iswadaqabsatey maroodina way qarisa. Caleen qudhac calool geel wax kama tarto. Nin faas leh goryo ma waayo. Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do. Irrid af madaboole ee oodba daboosha. Markey bookta reysataa, takhsinguna tagaa. Lacagna lacagbey dhasha injirna qandhicil. Barasho u yeelo geedkaad cuskan doonto. Hurdo cagahay ka bilaawataa. Birbaa bir goysa. Xaabo waxaa la doontaa, qorraxda soo jeedo. Far keliya fool ma dhaqo. Luqun dheeraatay, madax ma dhaafto. Nin waliba intay taagtiisu tahay, ayaa qodaxdu ugu tagtaa. Wax aan gacantaada ku jirin iyo afkaagu waa kala raagaan. Dheg haddii la gooyo, daloolkaa hadha. Waxay ili aragto yaa ilko gooyaan Carrab iyo ilko iyaga inta kale isaga dhow, iyagane waa isqaniinaan. Dudumo dheeraataa dhulkay ku soo noqotaa. Hilib hal diqsi baa qurmiya. Rida adhi kahartada ah shabeelka la hara. Libaax aan dhiig dhadhamin ma ciyo habeen. Mallay maanyo ku jiro dheri looma saarto. Mallay intaas dufin aa la kariya. Faras aanad lahayn fuul ma diisa, futaqarradh baa laga qaadaa. Waraabe ul lala gaadhiwaa, afna waxba lagaga guriwaa. Lax gowracan maqaar-siib kuma xanuunsato. Dulqaadasho yey noqon tii dibiga. Abkey doolli dilow, dad nool maas u daahaa? Laabta low ma aha, hadba la laalaabi karo. Qoryo adistooda isku duwid baa horreysa. Weylasha biree dibigu ha ku quustee. Daawo tiro wax kuma tarto. Mindi aad u afbadan gacantii lahayd bey goysaa. Gees lo'aad kulaylka lagu gooya. Dameer waa dameer sidii goodirkaba ha u boodee. Biyo badeed beer ma waraabiyan. Rabid iyo rajo waa weel aan buuxsameen. Xoolo suuqa loo sido hantinimey sadshaan. Baahi waxay kuu geysaa nin kuu daran. Waxaan ku cunniba waa la cunaa. Illin la qubey, deen laguma qaan-gudo. Baahi balaayey ku talisaa. Ruux saddex malmood qatan, looma cabsoodee waa laga cabsoodaa. Juuni eber ah ma istaago. Saboolka iyo geerida aqal beywada degaan. Ishii sartiir u muqataa, seexata. Calool bukta iyo weji furufuran laysku waa. Nin geel lumay baadi goobaya, (wax kale daaye,) weel buu ka eega. Haddii la modiwayane, waa la muusa. Dhadhan-biyo, meel oon lehaa lagu bartaa. Kabo-tole kaba la'aan buu socdaa. Kibirka qaarki waa lagu kufaa. Maroodi, ka xoogbadan, habaar laguma dilo. Labo lugood lagama dhutiyo. Meydka waa la aasaa, warse waa aasmi kariwaye. Laba biyo kulul isma qaboojiyaan. Ishii laga arko ushiisa lagu tumaa. Haddaad aragtid nin calooshu ka soo jeeddo, ha siin jid, intii kii kale ka aragtid. Guryihii usu dhow baa is guba. Maroodigu takarta ku joogta ma arkee, tan kan kale ku joogtuu arkaa. Guriga ma gadine, jaarkiis baan gaday. Walaal ka fog, deriska ku dhaama. Dhagax iyo ukun meel ma wada galaan. Nimaan dhul marin u dhaayo la'. Tikhsi iyo quran, meelbey wada galaan. Tuug hurdo, waa mid horaan wax u qaatey. Waa kacey ha oran haddaadan cagahaaga ku tagneen. God intaad ka carareysid ceelka ha ku dhicin. Wixii tataabasho laga badiyaa, wasakhooba. Naxariistaba marmarbey ka dartaa. Waabayo mas baa maseeyr dhaanta. Harag kasta la ciddidiisa xoqi taqaan. Dab cagtii ku joogsatuu gubaa. War la qabaa xiiso ma leh. Ka barey, ka badi. / Laga barey, la badi. Ilko caanood cunto laguma calaasho. Dawac aqalkiisa jooga aar buu is mooda. Nin il-la', Ilaah kuma mahadiyo, ilaa indhoole ka hor ximaado. Dal dadkiisu libaaxyeenayo haddaad tagto, sidi riyaha looma soclo. Meel biyo badan ninkii dego, waa inuu dabaal barto. Dhimbishaa dabka laga raadiya. Raggane dhugga, ratiga ilkaha laga eegaa. Ninkii laba naag qabaa, afar gacmood dilaan. Laf iyo miro ninaan ilko laheen baa Ilaah u deeqaa. Darur kasta ma da'do. Fudeed baa dabaysha raaca. Weerka waa dhogor dhacsadaa, mase dhaqan rogmo. Labo ma dhargaan: cilmidoon iyo hantidoon. Mukulaal hilib siin la barey, ma qabsato hawsheeda. Bad beer lagama tacbado. Xasuus-xumi waa cuduran daawo laheen. Waxaa tahay, hooskaaga lagama tixraaco. Garasho waxay seegta kaan waxba weydin. Meel maskax looga bahanyahay, murug wax kama taro. Dharaartina il, habeenkine dheg. Calool xil ma garato. Ruuxi dabka qaata, qiiqana heysta. Suge ma dhinto ee dharare ayaa dhinta. In la filo ma xuma, in la suga daran. Adduunka waa laba malmood: malinne adaa leh, malinne waa laga lehyahay. Wixii caloosha kaaga jiraa carrabkaa kaa xada. Kuu sheekeeye, ka sheekeeye, lalama sheekeysto. Dundumooyinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaan. Carrabkaaga ka adkaw, intusan ka adkaan. Ili subag ma dhuugdo. War aan murti laheen waa laga aammusa. Aammusnaanta qaakeed waa oraah. Af-ka-shegne waa duula, qoraalna waa waaraa. Xanuun waxaa ugu daran kaan la sheegi karin. Carrabka muxuu madax badan tirka togashada geeyey. War tiro ma leh, ee misaan buu lahyahay. Af aammusani, marti ma sado. Af wax cunay xishoo. Foori duqnimo lagu barta afkey faruuriisa. Gacan iyo af la islama waayo. Gacantaad goyn karin wa la dhunkooda. Boqol u taliye, boqol ul buu sitaa. Habraha markey nin xasuustan, aroos hore ka sheekeya. Nin waalan hadduu aammuso, kuwa miyirka leh baa lagu tirshaa. Ruxii aroos kastoo gogjoog ka ah, ayaa geeri kastane laga helaa. Wax waa la fiiriya, lagumase indha-kuuro. Arrin saddex ogtahay, qarsoodi ma gasho. Jiilaalka iyo ninku way legdamayaan, kolba ka naagtu raacdaa adag. Hadday fooli timaaddo, gudaqarsiimo hadhay. Fuley habartii ma gablanto. Ruux waliba wuxuu hooyadii la yahay hal madheedha. Nin aan hadlin habartiina wax ma siiso. Reer wax wada cunayo xeradoodu ma qabowdo. Dumar iyo carruur baa laysma ciyaar baro. Xubno, farahaa isku gudhow, iyagana ma sinna. Ninkii aabbihii ku caasiyo, carruurtiisu ka arkana. Duqqa waa cirbaddii dadka isku toleysey, duqdana waa mindidii kala goyneysey. Laanta toosi intey curdun tahay. Adduun-la'aani waa addoonnimo. Dhallaanka libaaxa waa libaax. Carruur lays ciyaarbaray, addoon bey ku moodaan aabbo u soo iibshey. Carruur cirridkaaga lama tuso. Cunug fiyow, hooyo ficaan. Ninkastaba naag baa furo u ah. Carruuri way ooyda markey kufaan, markaad kuftase way qoslaan. Iimaan waa uur muggii. Ceelka ninne waa qoda, boqolna waa ka warabtaa. Xoolahaaga ceebahaa qariya. Hadal badan dan baa dhaanta. Tifiq tifiq biyo ah baa weelka buuxsha. Cunto lahela calooshiis la ciyaar ka dhigtaa. Hanti iyo qaraabo ma qarsoomaan. Saddex waxyaalood waa wed-ka-koris: dabaal-aqoon, orod dheeri, gabasho-aqoon. Geridu kolbey nolosha dhaantaa. Nin dhintay, kabihiisaa dhaama. Nin ilkaweyni hadduu go'ayona, inuu qoslayaa la moodaa. Geesi kol buu dhintaa, fuleyna kun jeer. Ninkii qorrax kugu diley hoos kuuma jiido. Hurdo iyo geeri waa wada dhasheen. In wax la dhalo waa gaashankii geerida. Sidii god la qodey, sugid badanaa. Geeri ka dib toobad wax matarto. Cudur cirro kulama sugo. Wiilne muruq buu mujiyaa, wayeelne maskax. Noloshane gabar ha ku weheliso, geeri wiil ha ka horo. Aar duqoobey, eydaa ka madeysata. Aar dhintey eey nool baa dhaama. Mindidaba waqtigaa aftira. Hanti iyo hanti la'aanba xabaal waa loo simanyahay. Allow mar uun saare ii qaad inta kalese anaa ku filan. Dhallaan dhacayo, malaa'igta u faraqdhigato. Ninkaan baqin waa loo baqaa. Haddii Ilaah irrid ka xiro, irrid kale ayuu ku furaa. Ilaah markuu wax ku siinayo abtirso kuma yiraahdo. Illah nolol dadka waa ka wada simey, caqlise kama wada siimin. Waxa wayeelka fadhiga ku arko, dhallinyaro istaaga kuma arkaan. Waxii horeyne aragney, waxxa inoo dambeyna waa ognahay, inta u dhaxeysa inoogu daran. Geela duqdiisii durdurisay, aarankiisana maxad mooday. Hadduu magacu ka xumaado, maal qabeen wax kuuma taro. Jinni ninki keeno isagaa bixiya. Ballan-gal waa eed-gal. Talada dadkane qaado, taadane ku soco. Ninki dameer aqal-dushi saaro, soo dajuntiisane waa mid laga sugayo. Geedka weynba gudin yarba gooysa. Ninne hooskiisa kama dheereyo. Sirtaada waxaad xukunta intaadan shegin, mar haddey ka baxsato iyadaa ku xukunto. Hunguri sida kula habboon, xarragana sida dadka la habboon. Hal diidadaysaa, geed ay ku xoqato ma weydo. Walaalo dagaalamayo lamo dhaxgalo. Tuksi waa tabarta ceyrta. Mukulaal ma mooga meeshii laga mamulayo. Shimbir kastoo oo bubto, risiqeeda dhulkass yaal. Inta buufimo taal, biri ma qaboobin. Lo'-jire ushii saciisa ma disho. Hal aan weli kuu dhallin, ilmaheeda ha tirsan. Rida ammaanada ah lagama soco arigaada. Nin durbaan qaatey, cilaaq dalbay. Rag muraadli'i meel waa u maraa, muraadli'ise meel uma fadhiyo. Shabeel aanad dilin haraggii ha iibin. Haddaad magaalo laga wada il-la' yahay timaaddo, il baa leyska ridaa. Dheri la kor taagan yahay ma karo. Diinka maduxu dikamiyaa, mase dagaalomo. Maroodigaba kama daalo ilig dheer inuu sido. Maroodiga iligiisa dhaamo. Ninkii weyshaada dilo, aduu ku danleyahay. Tababar bidixda intey midig ku fiyowdahay. Derin haddi lagu fidsho, docba looga fariistaa. Fartaada xun filiq-filiq kagama harto. Qofkaaden qanini karin, ilkaha lama tuso. Ruxii hoos wax ka doonayo waa inuu hoos dhugtaa. Ninkii dameer ku soo raro waa inaad rati u rartaa. Madaxi loo xiirayo meel kasta loo jeedsha. Waxaan la heleenba loo hunguriyaa. Nin doonaa dad wada qumman, dad la'aan buu mutaa. Nin fiicanba, ninba ka sii fiican. Wiilkaaga walaal kalahaw, walaalkaadana wiilal ka lahaw. Qosol waa cadaygii afka. Waraabe iyo cawl heshiis dhaxmariwa. Gacmo iyagaa is xala. Ereyga hufanbaa irridkasta fura. Bakoorad ka dheer balad looguma wareego. Ninkaan col laheenbaan, darbi laheen. Nasiib layskuma dhafo, dadaalba lagu daraa. Beenu waa lug gaabantahay. Ruux kastoo runta waa jecelyahay, ruux kastaase ma sheego. Weelba war toosan loogu tagaa. Waa calaacasha timo ka soo baxaan. Nin in la dhageysto doonayo, bubaankiisa lama gambado. Been waddo waa ku gudbiisa, kumase soo laabto. Beenlow waxa sira xasuus xumi. Xariir kastoo la dulsaaro, dameer waa dameer. Ul qalloocan mayeelato hoos toosan. Ninkii iskala daadsho, dooradaa ku kor tumato. Gurbaan dharwaaqi meel dheer buu ku habboonyahay. Tuug waxa ah kii wax lagu qabtu. Ninkii labo wado doonayo midne ma gaaro. Haan faro-maran baa forforisa. Awrka sonkorne waa sidaa, qodaxbuusa ka daqaa. Ratigoo dhumey, reeryo lama radsho. Qaylo gar dhowaysay. Ratigi haddaad rari kari-weydo, heeryo rati looma eedo. Ruuxii wax kasta doonayo, waxba ma gaaro. Dhagar qabe dhulkaa u dhaqaaqa. Ninkii tuug qarsho waa tuug. Tuug wax ka tuhun badan. Odey gar loo xilsaarey waa carrab ilko dhaxyaal. Dayintii gacantu bixisey lugtaad ku radisa. Diiq qeyliyey, isagaa dawaco u yeertey. Dadkii hilib ceyriin ku qeybsadey kuma doodaan mariqiisa. Beenaale markhaatigiisuu fogeeyaa. Addoonsi cabsi buu ka abuurma. Far haddaad qof ku fiiqdo, afarta kale isku beeg. Foojignaasho fuleynimo ma aha. Min haddaad soo gasho, meeladayday lama noqdo. Macal cune soo bixo donee. Kelidiicune kelidii buu dhintaa. Ilig bolol ah baa af qurmuya. Dab nin ku gubtey, dambas waa ka cabsada. Dab shidan lama afuufo. Nin daad qaaday, xunbo cuskay. Nabar la filayey, naxdin ma leh. Is-qariye ma qufaco. War iyo dab baa dabeyshaa qaada. Ninkii Ilaah naceeb yahay wuxuu siiyaa afo dhibley ah. Gaf waxa u weyn gafafka dadka kale. Miraha lafta leh iyo ruuxa amaanta badan isku si baa looga digtoonaadaa.
|
LAST_UPDATED2 |